Man City ayaa lagu soo waramayaa in ay ka maqnaan doonaan 11 xiddig kulanka wareega 16-ka ee carabao cup-ka ka dhici doona Etihad Staduim kaana tirsan wareega 16-ka.

Labada kooxood ayaa dib u bilaaban doona xilli ciyaareedkooda kadib markii la joojiyay sabab la xidhiidha koobka adduunka oo la ciyaaray 28 maalin.

Sida laga soo xigtay Manchester Evening News, Man City waxa ka maqnaan doona xiddigo ay ka mid yihiin Ederson, Ruben Dias, Aymeric Laporte, John Stones, Joao Cancelo & Kyle Walker oo daafaca ka ciyaara.

Dhinaca kale Jack Grealish, Kalvin Phillips, Phil Foden, Bernardo Silva Iyo Julian Alvarez ayaa sidoo kale ka mid ah xiddigaha Man City ka maqnaan doona kulanka Liverpool.

Xiddigaha Kevin De Bruyne, Ilkay Gundogan, Rodri, Nathan Ake & Manuel Akanji ayaa ka mid ah xiddigaha la filayo in ay taam u noqdaan kulanka Liverpool.

Dhinaca kale Liverpool ayaa la filayaa in ay ka maqnaadaan xiddigaha Alisson, Virgil van Dijk, Ibrahima Konate, Trent Alexander-Arnold & Jordan Henderson.



Laacibfm

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here