Barceona Oo Guul Soo Laabasho Leh Ka Gaadhay Real Betis & Lionel Messi Oo Mar Kale Saamayntiisa Muujiyay.


Kooxda Barcelona ayaa guul ka gaadhay kooxda Real Betis kulan xiiso lahaa oo ka tirsanaa todobaadkii 23-aad ee horyaalka La Liga.


Qaybta Hore:

Kooxda Barcelona ayaa ciyaarta soo gashay iyada oo uu tababare Koeman is badal ku sameeyay shaxdiisa waliba kaydka dhigay kabtankiisa Lionel Messi.

Real Betis ayaa si dar-dar leh ku bilaabatay Ciyaarta iyaga oo Barcelona ku qaadayay weeraro orod ah oo ay ku dhibeen Barcelona.

Dhanka kale Barcelona ayaa maamulaysay ciyaarta laakiin ku dhibaatootay in ay saamayn ku yeelato goolka Real Betis hortiisa.

Goolhayaha Barcelona ayaa la odhan karaa waxa uu ahaa xiddiga ciyaarta marka loo eego badbaadinada waalida ah ee uu sameeyay iyo in uu isagu kooxdiisa ciyaarta ku hayay.

Daqiiqadii 38-aad ayay Real Betis dhalisay goolka 1-aad waxana u dhaliyay xiddiga Borja Iglesias kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Waxa sidaa ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay Real Betis hogaaminaysay ciyaarta kana fiicnayd kooxda Barcelona.


Qaybta dambe:

Tababare Ronald Koeman ayaa qaybta dambe shaxdiisa soo galiyay Kabtankiisa Lionel Messi kaas oo saamayn deg-deg ah ku yeeshay ciyaarta.

Daqiiqadii 59-aad ayay Barcelona dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay Lionel Messi kaas oo kooxdiisa ciyaarta ku soo celiyay.

Kooxda Barcelona ayaan halkaas ku joogsan waxana ay sii wadeen weerarka ay ku hayaan kooxda Real Betis iyaga oo raadinaya goolal kale.

Daqiiqadii 68-aad ayay Barcelona heshay goolka 2-aad waxana si khaldan isaga daliyay daafaca Real Betis ee Victor Ruiz kaas oo ciyaarta ka dhigay 2/1 ay Barcelona ku hogaaminayso.

Laakiin xiddigii sida khaldan goolka isaga dhaliyay ee Real Betis ayaa kooxdiisa daqiiqadii 75-aad ku soo celiyay kadib markii uu dhaliyay goolka 2-aad ee kooxdiisa.

Kooxda Barcelona ayaa daqiiqadii 87-aad dhalisay goolka 3-aad iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Francisco Trincao kaas oo ciyaarta ka dhigay 3/2 ay kooxdiisu ku hogaaminayso ciyaarta.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Barcelona guul ka gaadhay kooxda Real Betis iyaga oo uga mahad celinaya saamayntii uu Lionel Messi kaydka kala soo kacay.


Source: laacibfm.com

SHARE