DEG-DEG: UEFA Oo Kashiftay Garoonka Lagu Qaban Doono Kulanka Lugta 1-aad Ee Liverpool Vs RB Leipzig.

Xidhiidhka qaarada yurub ee UFEA ayaa shaaciyay Garoonka Lagu qaban doono kulanka lugta 1-aad ee wareega 16-ka champions League ee dhex mari doona kooxaha RB Leipzig iyo Liverpool kadib markii xukuumada Germany diiday kulanka lagu ciyaaro dalka Dhexdiisa.

UEFA ayaa kala doornaysay laba garoon oo kala ah garoonka Puskas Arena iyo garoonka Kooxda Tottenham ee Tottenham stadium waxana ay go’aansatay in kulanka lagu ciyaaro garoonka Puskas Arena.

UEFA ayaa raadinaysay xal kadib markii Xukuumada Germany diiday in uu kulanku ka dhoco garoonka RB Leipzig sabab la xidhiidha xanuunka Korona.

Laakiin UEFA yaa haatan si Rasmi ah u xaqiijisay in uu garoonka Puskas Arena noqon doono garoonka ay labada kooxood ku wada ciyaari doonaan lugta 1-aad ee wareega 16-ka champions League.

Source: laacibfm.com

SHARE