Gary Neville Oo Magacaabay Weerarna Ku Qaaday Xiddiga Sabab U Ahaa Bar-Barihii Ay Man United La Gashay Everton.

Gary Neville Oo Magacaabay Weerarna Ku Qaaday Xiddiga Sabab U Ahaa Bar-Barihii Ay Man United La Gashay Everton.


Daafacii hore ee kooxda Man United ee Gary Neville ayaa weerar ku qaaday Goolhayaha kooxda Man United ee David De Gea isaga oo sheegay in uu door ku lahaa bar-barihii ay Man United kala kulantay kooxda Everton Sabtidii.

Everton ayaa ka soo laabatay laba gool oo ay Man United ku hor martay qaybtii hore ee ciyaarta ka hor inta uuna Scott McTominay dhalin goolka 3-aad xilli ay u muuqatay in ay Man United heshay 3-da dhibcood ee kulanka.

Laakiin Xiddiga Dominic Calvert-Lewin ayaa dhaliyay goolka bar-baraha wakhtiga geerida kadib makrii uu De Gea ku fashilmay in uu fal celin sameeyo ka hor goolka.

“Dea Gea waxa ay ahayd in uu horay u soo boxo si uu kubada u qabto, waxa aad doonaysaa in uu Goolhayayaagu isku dhigo kubada, De Gea ma soo qaadan habeen fiican”ayuu Neville u sheegay Sky Sport.

Mna United ayaa 4 dhibcood ka dambayn karta hogaamiyayaasha Man City hadii ay kulanka caawa guul ka gaadho kooxd Liverpool.


Source: laacibfm.com

SHARE