Paul Scholes Oo Qiimeeyay Fursadaha Man United Ee Ku Guulaysiga Premier League Kadib Bar-Barihii Everton.

Paul Scholes Oo Qiimeeyay Fursadaha Man United Ee Ku Guulaysiga Premier League Kadib Bar-Barihii Everton.


Halyeeyga Kooxda Man United ee Paul Scholes ayaa sheegay in bar-barihii ay Man United la gashay Everton Dhirbaaxo ku tahay rajada Man United ee ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Xiddigaha Edinson Cavani iyo Burno Fernandes ayaa dhaliyay laba gool qaybtii hore xilli ay u muuqatay in ay Man United guul fudud ka gaadhayso Everton.

Laakiin Everton ayaa dhamaadkii ciyaarta hal dhibic kala baxday Old Trafford kadib markii ay laba jeer ka soo laabatay goolal looga horeeyay.

Ugu dambayn kooxda Mna United ayaa ba-rbaro 3/3 ah la gashay kooxda Everton iyaga oo ku fashilmay in ayy hogaanka la qabtaan kooxda Man City.

Scholes ayaana rumaysan in bar-barahaas dhirbaaxo ku yahay rajada Man Unied ee ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

“Bar-Barahaas waxa uu dhirbaaxo ku yahay rajada Man United ee horyaalka premier League”ayuu Scholes yidhi.

“Laakiin waa in ay sii wadaan dagaalka, waa in ay sii wadaan rumaynta naftooda kadib eegaan meesha ay gaadheen dhamaadka xilli ciyaareedka”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE