Robbie Fowler Oo Saadaaliyay Kooxda Ku Guulaysan Doonta Horyaalka Premier League Xilli Ciyaareedkan.


Halyeeyga kooxda Liverpool ee Robbie Fowler ayaa rumeysan in Liverpool mar horeba lumisay horyaalka premier League xilli ciyaareedkan isaga oo sheegay in ay Man City ku guulaysan doonto horyaalka premier League wax walba oo ka dhaca kulanka caawa Anfield ku dhexmari doona Liverpool iyo Man City.

Kooxda Jurgen Klopp ayaa marti galin doonta hogaamiyayaasha Man City kulan ka dhici doona Anfield xilli ay Reds ku qasbantahay in ay guul gaadho hadii ay doonayaan in ay sii wadaan dagaalka horyaalka.

Man City ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira iyaga oo si xidhiidh ah u badiyay 13-kii kulan ee ugu dambeyay ee tartamada oo dhan.

Fowler ayaa sheegay in ay Man City ku guulaysan doonto horyaalkan xitaa hadii ay Liverpool garaacdo kulankooda caawa ee premier League.

“Waxa aan hubaa in ay Man City ku guulaysan doonto horyaalka premier Leageu xilli ciyaareedkan xitaa hadii ay Liverpool badiso kulankan Anfield”ayuu Fowler Yidhi


Source: laacibfm.com

SHARE