Alan Shearer Oo Liverpool U Sheegay Sida Ay Ku Badbaadin Karaan Xilli Ciyaareedkooda.


Alan Shearer ayaa Kooxda Liverpool u sheegay in ay dib u bilaabaan xilli ciyaareedkooda kadib guuldaradii 4/1 ahayd ee ay kala kulmeen Man City.

Goolal ay dhaliyeen Ilkay Gundogan, Raheem Sterling iyo phil foden ayaa Reds dusha u saaray guuldaro weyn oo ay kala kulantay garoonkeeda.

Alan Shearer ayaana haatan aaminsan in rajadii difaacashada Premier League ee Liverpool in ay haatan dhamaatay.

“Xilli ay Man City ku dhawaan doonto ku guulaysiga horyaalka, Liverpool waa in ay dib isku habayso”ayuu Alan Shearer U sheegay BBC.

“Kooxda Jurgen Klopp waa in ay Badiyaan Axada si ay dib ugu soo laabtaan tartanka horyaalka waxana ay noqon doontaa shaqo adag in ay difaacdaan horyaalka”.

“Haatan waa in ay muhiimada siiyaan ku guulaysiga champions league iyo ku dhamaysiga 4-ta boos ee ugu sareeya waana in ay dib u helaan qaab ciyaareedkooda sababta oo ah kulamo adag ayaa ku soo socda”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE