Arsenal Oo War Ka Heshay Xaalada Dhaawac Ee Thomas Partey, Maxaa Cusub?

Arsenal Oo War Ka Heshay Xaalada Dhaawac Ee Thomas Partey, Maxaa Cusub?


Kooxda Arsenal ayaa war fiican ka heshay xaalada dhaawac ee Thomas Partey iyada oo la sheegayo in uuna dhaawacu ahayn mid halis ah waliba xiddigu taam u noqon karo kulanka ay Arsenal la ciyaari doonto Leeds United Axada.

Xiddiga reer Ghana ayaa dhaawac uga baxay ciyaartii Aston Villa isaga oo lagu badalay xiddiga Willian qaybtii dambe ee ciyaarta.

Tababare Mikel Arteta ayaa qirtay in uuna xiddigu dareemin xaalad fiican oo uu ku sii ciyaari karo kulanka.

Wargayska Football.London ayaa sheegaya in uuna dhaawaca 27 jirka soo gaadhay ahayn mid halis ah waliba taam u noqon karo kulanka Leeds ee Todobaadka dambe.

Warkan ayaa ah mid u fiican kooxda Arsenal marka loo eego in uu xiddiga Thomas Partey muhiim ka yahay kooxda Mikel Arteta xilli ciyaareedkan.


Source: laacibfm.com

SHARE