David Alaba Oo Hal Shardi Ku Xidhay In Uu Ku Biiro Chelsea.


Xiddiga kooxda Bayern Munich ee David Alaba ayaa hal shardi ku xidhay in uu ku biiro kooxda chelsea marka uu dhoco heshiiskiisa Bayern Munich dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Heshiiska David Alaba ee Bayern Munich ayaa ku jira bilihii ugu dambeeyay waxana uu si xor ah uga tagi karaa kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

David Alaba ayaa lala xidhiidhinayaa kooxo badan oo ay ka mid yihiin Real Madrid, Chelsea, Liverpool iyo waliba Man City kuwaas oo doonaya saxiixiisa.

Wargayska Telegraph ayaa sheegaya in uu David Alaba oo doortay in uu ku biiro chelsea u sheegay maamulka Blues in uu u baahan yahay mushahar lacageed oo dhan 400 kun oo Gini todobaadkii si uu ugu soo biiro kooxda xagaaga.

Si kasta ha ahaatee wararka ayaa sheegaya in ayna Maamulka Chelsea ogolaan doonin in ay bixiso lacagtaas uu dalbaday daafaca David Alaba.


Source: laacibfm.com

SHARE