Ederson Oo Isku Qoray Taariikhda Premier League Kadib Guushii Ay Man City Ka Gaadhay Liverpool.


Goolhayaha Kooxda Man City ee Ederson ayaa isku qoray taariikda Premier League kadib guushii ay kooxda Man City ka gaadhay Liverpool Axada.

Man City ayaa 4/1 ku xasuuqday kooxda Liverpool kulan ka dhacay Anfield kana tirsanaa horyaalka premier Legaue.

Shabakada BBC Sport ayaa sheegtay in uu Ederson shabaqiisa ilaashaday 831 daqiiqo oo premier League ah ka hor intii uuna Mohamed Salah ka dhalin goolka.

Mohamed Salah ayaa Ederson goolka ka dhaliyay daqiiqadii 63-aad isaga oo kooxdiisa dib ugu soo celiyay kulanka.

Ederson ayaa noqday goolhayihii 3-aad ee wakhtiga ugu dheer ilaashaday shabaqiisa oo aan wax gool ah laga dhalin.

Goolhayihii hore ee kooxda Man United ayaa ah Goolhayaha 1-aad ee shabaqiisa ilaashaday wakhtiga ugu dheer isaga oo ilaashaday 1311 daqiiqo halka Goolhayihii hore ee chelsea ee Petr Cech shabaqiisa ilaashaday 1025 daqiiqo.


Source: laacibfm.com

SHARE