Graeme Souness Oo Magacaabay Qofkii Sababta U Ahaa In Ay Chelsea Shaqada Ka Caydhiso Frank Lampard.

Graeme Souness Oo Magacaabay Qofkii Sababta U Ahaa In Ay Chelsea Shaqada Ka Caydhiso Frank Lampard.


Halyeeyga Kooxda Liverpool ee Graeme Souness ayaa xiddiga Timo Werner dusha ka saaray masuuliyada shaqo ka caydhintii Frank Lampard ee chelsea.

Graeme Souness ayaa sheegay in hadii uu Timo Werner qaab ciyaareed fiican soo bandhigi lahaa waliba goolal dhalin lahaa in aanay chelsea shaqada ka caydhiseen Frank Lampard.

Kooxda Chelsea ayaa shaqada ka caydhisay Frank Lampard bishii January iyada oo badalkiisa ka dhigtay tababare Frank Lampard.

Timo Werner ayaa qaab ciyaareed xun ku jira tan ilaa markii uu ku soo biiray chelsea iyada oo uuna xiddiga 24 jirka ah wax gool ah dhalin muddo bilo ah.

Graeme Souness oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Wali kuma qanacsani Timo Werner, chelsea waxa ka buuxa xiddigo tayo leh”.

“Marka ay kubada hor geeyaan waxa ay is waydiin doonaa waxa uu qabanayo waxa ay u baahan yihiin in uu shaqo fiican qabto”.

“Hadii uu shaqadiisa si fiican u qabsan lahaa oo uu dhalin lahaa goolal Frank Lampard waxa uu sii ahaan lahaa tababaraha chelsea”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE