Guardiola Oo Kashifay Xiddig Uu U Dhiibi Doono Masuuliyada Rikoodhada Kadib Markii Uu Gundogan Khasaariyay Rikoodhe Kulankii Liverpool.


Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa qirtay in uu ka fiirsanayo in uu masuuliyada rikoodhayaasha u dhiibo Goolhaye Edersin.

Ilkay Gundogan ayaa noqday xiddigii 3-aad ee khasaariye rikoodhe kooxda Man City xilli ciyaareedkan kadib markii uu birta dul mariyay kulankii Liverpool.

Xiddigaha Kevin de Bruyne & Raheem Sterling ayaa horay u khasaariyay rikoodhe ka hor intii uuna Gundogan khasaarin kulankii Anfield.

“Dhibaatada ayaa ah in aan helno wakhti muhiim ah sidaas darteed ma khasaarin karno rikoodhayasha cid walba oo laagata”ayuu Guardiola yidhi.

“Haatan waxa aan ka fikiayaa in aan Ederson u dhiibno Rikoodhada kale ee aan helno”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE