Halka Ay Marayso Kala Saraynta Horyaalka La Liga Kadib Todobaadkii 22-aad

Halka Ay Marayso Kala Saraynta Horyaalka La Liga Kadib Todobaadkii 22-aad


Horyaalka La Liga ayaa maraya meel xiiso leh xilli ciyaareedkan xilli ay kooxda Atletico Madrid hogaaminayso waliba si raaxo leh ku hogaaminayso.

Kooxaha Atletico Madrid oo uu laba kulan baaqi u yahay ayaa 50 dhibcood leh horyaalka La Liga iyaga oo 7 dhibcood ka horeeya kooxaha ugu dhaw.

Kooxda Barcelona ayaa kaalinta 2-aad soo gashay kadib 6 guul oo xidhiidh ah iyaga oo Real Madrid kaalinta 2-aad kaga qaaday farqiga goolasha maadama ay isku dhibco yihiin.

Kooxda Real Madrid ayaa dhankeeda qaab xun ku jiray kulamadii ugu dambeeyay laakiin guul ka gaadhay kooxda Huesca kulan adag oo horyaalka ahaa.


Source: laacibfm.com

SHARE