Halyeeyga Liverpool Ee Stan Collymore Oo U Jawaabay Roy Keane Kadib Weerarkii Uu Ku Qaaday Reds.

Halyeeyga Liverpool Ee Stan Collymore Oo U Jawaabay Roy Keane Kadib Weerarkii Uu Ku Qaaday Reds.


Halyeeyga kooxda Liverpool ee Stan Collymore ayaa u jawaabay Halyeeyga Man United ee Roy Keane kaas oo weerar ku qaaday kooxda Liverpool kadib guuldaradii ay kala kulmeen kooxda Man City.

Kadib guuldaradii Liverpool ka soo gaadhay Man City Keane ayaa sheegay in uu Klopp sameeyo mar-marsiyo badan.

Laakiin Halyeeyga Liverpool ee Stan Collymore ayaa u jawaabay Keane isaga oo yidhi”Wixii uu Keane ka yidhi Liverpool waa wax aan la aqbali karin”.

“Isagu waxa uu ku biiray Man United oo kooba ku guulaysata waxana uu sidaas ugu guulaystay koobab”.

“Laakiin xiddigaha Liverpool waxa ay halka ugu hoosaysa ka soo bilaabeen si ay ugu guulasytaan horyaalka”.


Source: laacibfm.com

SHARE