Hordhac: Man United Vs West Ham: Red Devils Oo Rikoodh Fiican Ku Leh Hammers Marka Ay Joogto Old Trafford.

Hordhac: Man United Vs West Ham: Red Devils Oo Rikoodh Fiican Ku Leh Hammers Marka Ay Joogto Old Trafford.


Kooxda Man United ayaa marti gali doonta kooxda West Ham kulan ka tirsan wareega 5-aad ee tartanka FA Cup-ka kulan ka dhici doona garoonka Old Trafford.

Man United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo wareegii hore ee tartanka soo reebay kooxda Liverpool halka ay West Ham soo reebtay kooxda Doncaster.

Man United ayaa isha ku haya in ay sii wadaan guulaha FA Cup-ka iskana xaadiriyaan wareega xiga ee tartanka xilli ay West Ham oo qaab ciyaareed fiican ku jirta dhankeeda doonayso in ay reebto Man United.


Kulanka: Man United Vs West Ham


Tartanka: FA Cup


Wakhtiga: 10:30


Garoonka: Old Trafford


XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kooxda Man United ayaa iska xaadirisay wareega xiga ee tartanka FA Cup-ka 3-dii jeer ee ugu dambeeyay ee ay la ciyaartay kooxda West Ham.

West Ham ayaan wax guul ah ka gaadhin Man United 15-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay ku ciyaartay Old Trafford tartamada oo dhan tan ilaa markii ay 1/0 uga badiyeen horyaalka bishii May ee 2007.

Man United ayaa bidisay 8-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay garoonkeeda ku ciyaartay tartanka FA Cup-ka markii ugu dambaysay ee ay guulo intaas ka badan gaadhay ayaa ahayd intii u dhexaysay January 1908 iyo Februar 1912 markaas oo ay badiyeen 9.

West Ham ayaan badin 8-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay marti u ahayd kooxaha Premier Legaue tan ilaa markii ay Man City kaga badiyeen 2/1 bishii March 2006.


Source: laacibfm.com

SHARE