Hordhac: Real Madrid Vs Getafe: Los Blancos Oo Isha Guusheedii 2-aad Oo Xidhiidh Ah 2021.

Hordhac: Real Madrid Vs Getafe: Los Blancos Oo Isha Guusheedii 2-aad Oo Xidhiidh Ah 2021.


Kooxda Real Madrid ayaa marti galin doonta kooxda Getafe kulan ka tirsan todobaadkii 23-aad ee horyaalka La Liga kulan ka dhici doona garoonka Estadio Alfredo Di Stefano.

Real Madrid ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya in ay sii wadaan guulaha kadib markii ay guul gaadheen kulankii ugu dambeeyay ee Huesca.

Dhanka kale kooxda Getafe oo ku jirta kaalinta 15-aad ayaa doonaysa in ay ka inkaarsato kooxda Real Madrid waliba qabato kana reebto Barcelona.


Kulanka: Real Madrid Vs Getafe


Tartanka: La Liga


Wakhtiga: 11:00


Garoonka: Estadio Alfredo Di Stefano


XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Real Madrid ayaan guuldaro kala kulmin 13-kii kulan ee ugu sambeeyay ee ay la ciyaartay Getafe horyaalka La Liga iyaga oo badiyay 12 kulan kalena bar-baro galay sidoo kale shabaqooda ilaashaday 4-tii kulan ee ugu dambeeyay.

Getafe ayaa guuldaro ka fogaatay labadii kulan ee ugu dambeeyay ee ay booqatay kooxda Real Madrid iyaga oo bar-baro 1/1 ah la galay bishii March sanadkii 2007 sidoo kale 1/0 uga badiyay bishii February 2008.

Getafe ayaa laga badiyay 73.3% kulamada ay la ciyaartay Real Madrid horyaalka La Liga waana cel-celis ahaanta ugu dheer ee ay koox ku leedahay koox kale La Liga

Real Madrid ayaa kaliya badisay 3 ka mid ah 8-dii kulan ee ugu dambaysay ee tartamada oo dhan kadib markii ay badiyeen 6-dii kulan ee hore xilli ay laba kulan oo xidhiidh ah badin karaan markii ugu horaysay sanadka 2021.


Source: laacibfm.com

SHARE