Jooji Mar-Marsiyaha Oo U Ciyaar Si Koox Difaacanaysa Horyaalka Premier Leageu.

Jooji Mar-Marsiyaha Oo U Ciyaar Si Koox Difaacanaysa Horyaalka Premier Leageu.


Halyeeyga Kooxda Man United ee Roy Keane ayaa weerar ku qaaday kooxda Liverpool isaga oo sheegay in ay Liverpool wado mar-marsiiyo tan ilaa bilowgii ixlli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa 10 dhibcood ka dambaysa Man City kadib guuldaradii 4/1 ahayd ee ka soo gaadhay City kulankii Axadii ka dhacay Anfield.

Keane oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”Marba Marka ka dambeeya Mar-Marsiyo cusub ayay la imanaysaa Liverpool, ma doonayno in aan Liveprool ka maqalno mar-marsiyo cusub”.

“Maalmo ka hor Klopp aya sheegay in ay Man City haystay 2 todobaad oo fasax ah sabab la xidhiidha xanuunka Korona”.

“Waan ognahay in uu dhaawacyo badan soo gaadhay kooxda laakiin arintaas mar-marsiyo ma nqonayso marka lagaa badiyo kulan walba”.

“Sida aan horay u sheegay Liverpool kama doonayno mar-marsiyo cusub, waxa laga filayay in ay u tartamaan horyaalka waana in ay qabtaan shaqadooda”.

“Jooji mar-marsiyaha oo u ciyaar si koox difaacanaysa horyaalka premier League sababta oo ah waxa aad tahay Liverpool”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE