Liiska Dhaawacyada Oo Ku Sii Badanaya Real Madrid & Zidane Oo Kaliya 12 Xiddig U Heli Doona Kulanka Getafe.


Dhaawacyada ayaa ku sii badanaya kooxda Real Madrid waxana ay ka hor istaagayaan fursadohooda xilli ciyaareedkan.

Qaliinkii lagu sameeyay Sergio Ramos Sabtidii ayaa ku noqday Zidane dhirbaaxadii ugu dambaysay iyada oo uu kabtanka Los Blancos liiska dhaawacyada kula biiray xiddigaha Eden Hazard, Rodrygo Goes, Dani Carvajal & Fede Valverde.

Maqnaanshaha Xiddigaas ayaan halkaas ku ekayn waxana uu haatan shaki ku jiraa xiddigaha Alvaro Odriozola & Eder Militao ka hor kulanka Getafe.

Arintaas ayaa la macno ah in ay Real madrid dhaawac ku wayi doonto 9 xiddig iyo Toni Kroos oo ganaax ku seegi doona kulanka Getafe.

Ilaa haatan xilli ciyaareedkan kooxda ayay ka dhaawacmeen 20 xiddig taas oo dhibaato weyn ku ah xilli ciyaareedka Real Madrid.


Source: laacibfm.com

SHARE