Lionel Messi Oo Ku Sii Dhawaanaya Luis Suarez Tartanka Gool Dhalinta La Liga.


Tababare Ronald Koeman ayaa u baahnaa saamayn deg-deg ah xilli ay kooxdiisu ku dambaysay Gool kulankii Real Betis ee horyaalka La Liga.

Xiddiga Lionel Messi ayaana keenay saamayntaas markii uu badalka ku soo galay kulanka qaybtii dambe ee ciyaarta.

Xiddiga kabtanka u ah Barcelona ee Lionel Messi ayaa badal ku soo galay daqiiqadii 57-aad waxana uu goolka bar-baraha u dhaliyay kooxdiisa daqiiqadii 59-aad.

Kadib goolkaas xiddiga kooxda Barcelona ayaa ku sii dhawaanaya xiddigii hore ee ay isku kooxda ahaayeen ee Lionel Messi tartanka gool dhalinta.

Lione Messi ayaa haatan leh 13 gool isaga oo kaliya hal gool ka dmabeeya xiddiga reer Urugauy kaas oo leh 14 gool horyaalka La Liga


Source: laacibfm.com

SHARE