Manchester United Oo Xiddig Kooxdeeda Ah U Diidi Doonta In Uu Aado Waajibaadka Xulka Qarankiisa Bisha Dambe.


Kooxda Man United ayaa lagu soo waramaaa in ay xiddiga xiddigeeda Bruno Fernandes u diidi doonto in uu aado waajibaadka xulka qarankiisa Portugal bisha March ee fasaxa xulalka.

Xanuunka Korona ayaa si xoogan ugu soo laabanaya yuurb kooxaha premier Legaue ayaan ku qasbanayn in ay sii daayaan xiddigaha u ciyaara Portugla iyo Southa America marka la gaadho fasaxa xulalka.

Xukuumada UK ayaa soo saartay sharci sheegaya in qof walba oo ka yimaada Portugal uu gali doono karantiil 10 maalin ah ka hor inta uuna ka soo bixin karantiilka taas oo la macno ah in uu Bruno Fernandes Seegi karo laab kulan hadii uu karantiilkaas galo bisha April.

Sidaas darteed wargayska Manchester Evening News ayaa sheegaya in Man United joojin doonto in uu Bruno Fernandes aado waajibaadka xulka qarankiisa Portugal.


Source: laacibfm.com

SHARE