Muxuu Alisson U Sheegay Jurgen Klopp Kadib Khaladaadkii Uu Sameeyay Guuldaradii Man City.

Muxuu Alisson U Sheegay Jurgen Klopp Kadib Khaladaadkii Uu Sameeyay Guuldaradii Man City.


Tababaraha Kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa sheegay in uu Alisson u sheegay in uu aad uga niyad jabsanyahay saamaynta khaladkii uu sameeyay kulankii ay Liverpool guuldarada kala kulantay Man City Axadii.

Kooxda Difaacanaysa premier League ayaa ka jawaabtay gool uu dhaliyay xiddiga Ilkay Gundgan iyada oo uu Mohamed Salah rikoodhe u dhaliyay kooxdiisa.

Laakiin laba khalad oo waali ah oo uu sameeyay Alisson ayaa Man City hadiyad u siiyay laba gool ka hor inta uuna xiddiga Foden ciyaarta dilin kana dhigin 4/1.

Jurgen Klopp oo arintaas ka hadlaya ayaa yidhi”waxa aan la hadlay Alisson daqiiqo yar kadib dhamaadka ciyaaarta waxana uu ii sheegay in uu aad uga niyad jabsanyahay kalmadihiisuna waxa ay ahaayeen “Maya maanta, Maya maanta” waana sida ay wax yihiin ma go’aamin kartid marka aad khaladka samaynaysid”ayuu Klopp yidhi.

Liverpool ayaa haatan 10 dhibcood ka dambaysa kooxda Man City tartanka horyaalka premier League xilli ay City hal kulan gacanta ku haysato.


Source: laacibfm.com

SHARE