Ole Gunnar Solskjaer Oo Xaqiijiyay Mudada Uu Paul Pogba Garoomada Ka Maqnaan Doono.


Tababaraha Kooxda Man United ee Ole Gunnar Solskjaer ayaa xaqiijiyay in uu xiddiga khadka dhexe ee Paul Pogba garoomada ka maqnaan doono dhawr todobaad kadib dhaawac muruqa bawdada ah oo soo gaadhay xiddiga.

Maalmo kadib markii xiddiga loo magacaabay xiddigii ugu fiicnaa Kooxda bishii January xiddiga 27 jirka ah ayaa dhaawac uga baxay kulankii ay Man United bar-baraha la gashay Everton.

Pogba ayaa maray baadhitaan bawdada ah waxana uu tababare Ole Gunnar Solskjaer xaqiijiyay in uu xiddigu garoomada ka maqnaan doono inta ka dhiman bisha February.

“Waa dhaawac qaadan doona dhawr todobaad si uu u bogsado”ayuu Solskjaer u sheegay MUTV.

“Dabcan Paul waa xiddig muhiim noo ah sidaas darteed halis ma galin doono waxana uu maqnaan doonaa dhawr todobaad”.


Source: laacibfm.com

SHARE