Saddex Kulan Oo Dilaay Rajada Difaacashada Liverpool Ee Horyaalka Premier League Xilli Ciyaareedkan.

Saddex Kulan Oo Dilaay Rajada Difaacashada Liverpool Ee Horyaalka Premier League Xilli Ciyaareedkan.


Kooxda Liverpool ayaa si Rasmi ah uga baxday tartanka ay ugu jirto ku guulaysiga horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa guuldaro Niyad jab leh kala kulantay 3 kooxood kuwaas oo dilay Rajada Liverpool ee difaacashada horyaalka xilli ciyaareedkan.

Bilowgii xilli ciyaareedkan Liverpool ayaa si weyn loogu saadaalinayay in ay difaacato horyaalka premier League xilli ciyaareedkan.

Laakiin wargayska Sports Mole ayaa sheegay in guuldaradii ka soo gaadhay Burnley, Brighton iyo Man City ee Anfield ka dhacday in ay gabi ahaan dishay rajada Liverpool ee difaacashada Premier League xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa haatan 10 dhibcood ka dambaysa Man City xilli kooxda Man City hal kulan gacanta ku haysato kulankaas oo baaqi u ah.


Source: laacibfm.com

SHARE