Thomas Tuchel Oo Amaanay Timo Werner Inkasta Oo Uu Ku Dhibaatoonayo Goolasha.

Thomas Tuchel Oo Amaanay Timo Werner Inkasta Oo Uu Ku Dhibaatoonayo Goolasha.


Tababaraha Kooxda Chelsea Thomas Tuchel ayaa Amaanay xiddiga weerarka uga ciyaara kooxdiisa ee Timo Werner isaga oo sheegay in ay gool dhalintu iman doonto kulamada soo socda.

Werner ayaa Blues ku soo biiray xagaagii laakiin waxa uu kaliya hal gool dhaliyay 19-kii kulan ee ugu dambeeyay tartamada oo dhan.

Xiddiga ayaa ku dhibaatooday in uu qaab ciyaareed cajiib ah soo bandhigo taas oo keentay in uu la kulmo dhaleecayn xoogan ilaa haatan xilli ciyaareedkan.

Laakiin Thomas Tuchel ayaa aaminsan in uu Timo dib u heli doono gool dhalinta kulamada soo socda sidoo kale amaanay qaab ciyaareedkiisa.

“Waxa aan arkayay kulamadii ugu dambeeyay in uu dib u soo helayo kalsoonidiisa laakiin Nasiib xumo gool dhalinta ayaa ka maqan”.

“Arintan waa mid muhiim u ah hadii uu u sii ciyaaro sida uu u ciyaaray labadii kulan ee ugu dambeeyay waxa aan hubaa goolashu in ay iman doonaan”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE