WARBIXIN: Sababihii Barcelona Ka Caawiyay In Ay Garaacdo Real Betis

WARBIXIN: Sababihii Barcelona Ka Caawiyay In Ay Garaacdo Real Betis


Kooxda Barcelona ayaa guul soo laabasho leh ka gaadhay kooxda Real Betis kulan ka tirsnaaa horyaalka La Liga kulan ay guul 3/2 ah gaadhay.

Barcelona ayaa guusha gaadhay qaybtii dambe kadib markii uu Lionel Messi guusha ka dambeeyay kadib markii uu badal wakhti hore ah ku soo galay.

Hadaba waxa aan halkan ku soo bandhigi doonaa sababaha ka dambaysa guushii kooxda Barcelona ka gaadhay Real Betis.


Badalka Uu Is Badal Sameeyay:

Kooxda Barcelona ayaa qaybtii hore ahayd mid aad u xun laakiin tababare Ronald Koeman ayaa sameeyay badal qaybta dambe ah kuwaas oo saamayn waali ah sameeyay.

Xiddigaha Lionel Messi, Francisco Trincão iyo Frankie De Jong ayaa badal ku soo galay qaybtii dambe ee ciyaarta waxana ay si deg-deg ah ciyaarta saamayn ugu sameeyeen.

Sidaas darteed Badalkii uu Ronald Koeman sameeyay ayaa sabab u ahaa guushii ay kooxda Barcelona ka gaadhay kooxda Real Betis.


Lionel Messi:

Xiddiga kooxda Barcelona ee Lionel Messi ayaa kaydka ku bilowday ciyaarta iyada oo uu tababare Ronald Koeman siiyay nasasho si uu kulamada kale taam ugu noqdo.

Laakiin Kabtanka Barcelona ayaa 2 daqiiqo gudohood wax kaga badalay ciyaarta kadib markii uu badal ku soo galay ciyaarta daqiiqadii 57-aad isaga oo goolka bar-baraha dhaliyay daqiiqadii 59-aad.

Sidaas darteed Messi ayaa mar kale saamayn waali ah ku yeeshay qaab ciyaareedka kooxdiisa guul muhiim ahna ku hogaamiyay kooxda Barcelona.


Marc-André ter Stegen:

Goolhaye Marc-André ter Stegen ayaa door weyn ka qaatay qaab ciyaareedka kooxda Barcelona ee kulankan isaga oo kooxdiisa ku sii hayay ciyaarta.

Goolhaye Marc-André ter Stegen ayaa sameeyay badbaadino waali ah taas oo ay Real Betis ku dili kartay ciyaarta intii ay socotay.

Laakiin Goolhaye Marc-André ter Stegen ayaa sameeyay badbaadin wax ku ool ah isaga oo kooxda Real Betis ka hor istaagay in ay kooxdiisa ka dhaliyaan goolal.


Source: laacibfm.com

SHARE