XASAASI: Bruno Fernandes Oo Iska Diiday Heshiis Cusub Oo Ay Man United U Soo Bandhigtay & Sababta Oo La Ogaaday.

XASAASI: Bruno Fernandes Oo Iska Diiday Heshiis Cusub Oo Ay Man United U Soo Bandhigtay & Sababta Oo La Ogaaday.


Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Man United ee Bruno Fernandes ayaa lagu soo waramaayaa in uu iska diiday heshiis cusub oo ay u soo bandhigtay kooxdiisu sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 26 jirka ah ayaa lagu soo waramayaa in uu mar kale hore doonayo in uu kooxda koob kula guulaysto ka hor inta uuna mustaqbalkiisa u hibayn kooxda inkasta oo uu 13 bilood ka hor kooxda ku soo biiray.

Xiddiga reer Portugal ayaan doonayn in uu isaga tago kooxda wakhtiga soo socda laakiin uuna sidoo kale doonayn in uu ku deg-dego in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda sida uu sheegayo wargayska The Athletic.

Isla wargayska ayaa sheegaya in uu xiddigu sugi doono ilaa inta uu koob kula guulaysanayo kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan ka hor inta uuna heshiis cusub u saxiixin kooxda.

Man United ayaa go’aansatay in ay heshiis cusub ku abaalmariso xiddiga kadib qaab ciyaareed cajiib ah oo uu kooxda ku soo bandhigay tan ilaa markii uu ku soo biiray suuqii January sanadkii hore.

Laakiin Bruno Fernandes ayaan doonayn in uu kooxda qalinka ugu duugo heshiis cusub ilaa inta uu kooxda koob kula guulaysanayo.


Source: laacibfm.com

SHARE