Arteta Oo Maamulka Arsenal Ku Booriyay In Kooxda Hal Boos Laga Xoojiyo Xagaaga

Arteta Oo Maamulka Arsenal Ku Booriyay In Kooxda Hal Boos Laga Xoojiyo Xagaaga


Arsenal ayaa lagu waramay in ay bartilmaameysanayaan ciyaaryahan cusub oo ka ciyaara garabka bidix marka suuqa xagaaga uu furmo dhawaan .

Halka xiddig ee booskaas loogu aamin qabo ee ay haatan Arsenal haysato waa Kiera Tierney kaasi oo haatan la maqan dhaawac kubka ah xilli kooxdiisa ay tabeyso maqnaashihiisa

Cedric Soares oo garabka middig ah ayaa lagu qasbay in uu buuxiyo maqnaashaha Tierney waxa ayna taasi keeneysa in deg deg loo leeno xiddig cusub

Sida bogga Athletic uu sheegayo Arsenal ayaa isha ku haysa in si dhab ah suuqa u galaan si xagaaga u helaan xiddig ku wacan ka ciyaarista garabka bidix

Lama helin xiddig ay si gaar ah u calaameysatay balse macalin Arteta ayaa ku booriyay maamulka kooxda in si dhab ah loogu dhaqaaqo xoojinta garabkaas


Source: laacibfm.com

SHARE