Chelsea Oo Farriin U Dirtay David Alaba Kuna War Giilisay Halka Waddo Ee Uu Kaga Ciyaari Karo Stamford Bridge


Dafaca loo badinayo in uu ka huleelayo Bayern Munich ee David Alaba ayaa la xusayaa in uu ku qasban yahay in uu hoos u dhigo mushaarkiisa haddii uu doonayo in uu u wareego Chelsea

Xiddigaas Versatile-ka ah a ayaa aad loogu badinayaa in xagaaga uu qaab xor ah uga tago Muncih ka dib markii labada dhinac isku af garan waayeen hishiis cusub xilli Chelsea ay tahay kooxda ugu dhaw saxiixiisa .

Si waliba oo ay ahaato , wargeyska The Telegraph ayaa sheegaya in Chelsea ku war giliyeen laacibka in uu dhimo mushaarka uu doonayo in kooxdas galbeedka London ka dhisan uu ka filayo.

Maadaama Chelsea dooneyso in Thiagho Silva ay sii haystaan xilli ciyaareed kale waxa ay keeneysaa in Alaba ku qasbanaado in uu dhimo mushaarka uu dalbanayo si xagaaga uu uga hoos ciyaaro tababare Thomas Tuchel.

Real Madrid iyo Barcelona ayaa ka mid ah kooxaha doonaya Alaba balse koox waliba wax ay ka caraareysaa mushaarka kiisa todobaadlaha ah oo sareeya

Laacibkaas waxa uu xilli ciyaareedkaan Muncih u saftay 26 kulan dhamaan tartamada halka laba jeerna uu soo booqday shabaqa


Source: laacibfm.com

SHARE