Jamie Carragher Oo Klopp U Sheegay 3 Saxiix Oo Uu Ku Xoojiyo Kooxdiisa Xagaaga.


Halyeeyga kooxda Liverpool ee Jamie Carragher ayaa sheegay in ay Liverpool u baahantahay 3 xiddig oo heer caalami ah si ay ugu soo laabato tartanka horyaalka premier League.

Kooxda Liverpool ayaa ka hadhay tartanka horyaalka xilli ciyaareedkan kadib guuldaradii 4/1 ahayd ee ka soo gaadhay kooxda Man City.

Liverpoo ayay dhaawacyo ku habsadeen xilli ciyaareedkan iyada oo kooxdu dhaawacyo wakhti dheer ah ku wayday dhamaan daafacyada kooxda 1-aad.

“Markii uu Klopp yimid Liverpool kooxdu waxa ay ahayd kooxda ku dhamaysatay 6 ama 7-aad ixlli ciyaareedka”ayuu Jamie Carragher yidhi.

“Xagaagiisii ugu horeeyay waxa uu kooxda keenay Joel Matip, Georginio Wijnaldum iyo Sadio mane kadib kooxda waxa uu geeyay champions league”.

“12-kii bilood ee xigay waxa uu kooxda keenay Mohamed Salah, kadib suuqii January 2018 waxa uu kooxda keenay Virgil Van Dij iyo Alisson kadib waxa uu geeyay Final-ka champions league laba jeer waxana uu kooxda ku hogaamiyay horyaalka”.

“Waxa aan aaminsanahay in ay Liverpool gaadhay heerka ay u baahantahay saxiixyadii uu Klopp sameeyay sanadihiisii ugu horeeya”.

“Dadku waxa ay yidhaahdaan, Klopp shaxdiisa ma badalo, waxana sabab u ah in ayna Liverpool haysan tayada xiddigaha ay kooxaha kale haystaan, koobabkii ay Liverpool ku guulaystay sanadihii la soo dhaafay kumay guulaysateen in ay uu Klopp shaxdiisa badali laahaa”.

“Waxan u malaynayaa in ay soo laaban doonto Liverpool laakiin waxa ay u baahantahay 3 xiddig”.

“Waxa ay u baahanyihiin daafac dhexe waxana laga yaabaa in uu Ozan kabak noqdo xiddiga ay doonayeen sidoo kale waxa ay u baahanyihiin badalka Wijnaldum iyo xiddig weerarka kula tartama Xiddigaha weerarka”.


Source: laacibfm.com

SHARE