Kulankee Laga Yaabaa In Araújo Ku Soo Laabto Garoomada , Waa Sidee Xaalkiisa?


Daafaca Barcelona ee Araújo ayaa bartilmaameysnaya in uu kooxda mar kale ku so laabto gaar ahaan kulanka wareegga 16-aad ee Champion-ka ee ay la ciyaarayaan PSG .

Laacibkaas ayaa la kulmay dhaawac canwaqga bidix ah waxaana loo badinayay in uu garoomada ka maqnaanayo sedex todobaad balse dhankiisa kulankaas ayuu haminayaa in uu safto kaasi oo dhacaya 16-ka bishaan

Wargeyska Mundo Deportivo ayaa sheegaya in laacibkaas uu haatan codsanayo in la ciyaarsiiyo kulankaas balse sida muuqata macalinka ayaa arintaas ka laba-labeynaya

Araújo ayaa xilli ciyaareedkii hore la kulmay dhaawac la mid ah midka uu haatan uu ka sheeganayo balse 10 cesho gudahood ayuu ku soo laabtay waxa uuna haatan aaminsan yahay in sidaas oo kale uu sameyn karo .

Haatan go`aanka kama dambeysta ah waxa uu ku xeran yahay taqaatiirta kooxda halka macalinka la xusayo in uusan dooneyn in uu ku qamaaaro Araújo

Barcelona ayaa dookh kala duwan u haysta dhanka daafaca haddii Araújo kulankaas uusan la lug helin sida Lenglet, Mingueza iyo Umtiti halka laga yaabo in Gerard Piqué soo laabto inkastoo weli uusan tababarka guud la sameyn kooxda


Source: laacibfm.com

SHARE