Liverpool Oo Wadahadalo Rasmi Ah La Furtay Bruno Fernandes-ka Cusub.


Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay haatanba wadahadalo hordhac ah la qaadatay kooxda Sporting Lisbon si ay uga helaan xiddiga khadka dhexe ee weerarka ee Pedro Goncalves.

Xiddiga 22 jirka ah ayaa qaab ciyaareed cajiib ah ku jira xilli ciyaareedkan isaga oo ilaa haatan dhaliyay 14 gool 6 gool-na ka dambeeya xiddigaha ugu soo dhaw.

kooxda Liverpool ayaa ku dhibaatoonaysa kubad samaynta iyaga oo xiddigaha Salah, Mane iyo Firmino aan khadka dhexe ka helin kubado fiican.

Wargayska Record ayaa sheegaya in ay Liverpool haatanba wadahadalo hordhac ah la furtay kooxda reer Portugal iyaga oo u gogol xaadhaya suuqa xagaaga si ay xiddiga u dhamaystiraan dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Xiddiga Pedro Goncalves ayaa lagu naanaysaa Bruno Fernandes-ka cusub marka loo eego in uu isagu kooxda ka badalay markii uu Bruno ku biiray kooxda Man United.

Kooxda Sporting Lisbon ayaa xiddiga Pedro Goncalves  ku qiimaysa lacag dhan 53 milyan oo euro oo ah lacagta lagu bur-burin karo heshiiska xiddiga.


Source: laacibfm.com

SHARE