Man City Oo Sii Dheeraystay Hogaanka Premier League & Kala Saraynta Tartanka Kadib Todobaadkii 23-aad.


Horyaalka Premier League ayaa u muuqda mid la soo ogaanayo kooxda ku guulaysan doonta horyaalka xilli ciyaareedkan kadib todobaadkii 23-aad.

Kooxda Man City ayaa iska reebtay kooxda difaacanaysa horyaalka ee Liverpool kadib markii ay guul weyn oo 4/1 ah ka gaadhay Reds kulan ka dhacay Anfield.

Kooxda Man City ayaa haatan 5 dhibcood oo cadaan ah ku haysa hogaanka horyaalka premier Leaggue xilli ay hal kulan gacanta ku haystaan.

Man United oo ah kooxda ku xigta ayaa bar-baro la gashay Everton taas oo keentay in ay Man City ka faa’iidaysato siina dheeraysato hogaanka horyaalka premier League.

Chelsea oo kulankii 3-aad badisay tan ilaa makrii uu Thomas Tuchel tababaraha u noqday ayaa ku daba dhagan Liverpool iyaga oo hal dhibic ka dambeeya kooxda Liverpool kuna jira kaalinta 5-aad.

Kooxda Arsenal oo laba kulan oo xidhiidh ah laga badiyay ayaa dhankeeda dib ugu sii dhacayday kaalinta 11-aad kadib markii ay guuldaro kala kulantay Aston Villa.


Source: laacibfm.com

SHARE