Man United Oo Kashiftay Wakhtiga Ay Heshiis Cusub Ka Saxiixan Doonto Tababare Ole Gunnar Solskjaer

Man United Oo Kashiftay Wakhtiga Ay Heshiis Cusub Ka Saxiixan Doonto Tababare Ole Gunnar Solskjaer


Kooxda Man United ayaa lagu soo waramayaa in ay ilaa dhamaadka xilli ciyaareedkan sugi doonto in ay heshiis cusub ka saxiixato tababare Ole Gunnar Solskjaer.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayuu cadaadis weyn saarnaa bilowgii xilli ciyaareedkan kadib markii ay kooxdu qaab ciyaareed xun ku bilaabatay xilli ciyaareedkan laakiin tababaraha ayaa dhanka kale u rogay qaab ciyaareedka kooxdiisa isaga oo ku tartansiiyay horyaalka premier Legaue.

Tababare Ole Gunnar Solskjaer ayaa kooxdiisa geeyay kaalinta 2-aad ee kala saraynta premier League iyaga oo kaliya 5 dhibcood ka dambeeya kooxda Man City.

Wargayska The Sun ayaa sheegaya in ay Man United go’aansatay in ay xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan wadahadalo heshiis kordhin ah la furi doonto tababaraha.


Source: laacibfm.com

SHARE