Mustaqbalka Andreas Christensen Ee Chelsea Oo Ku Xidhan Halkan Xiddig.

Mustaqbalka Andreas Christensen Ee Chelsea Oo Ku Xidhan Halkan Xiddig.


Mustaqbalka daafaca dhexe ee kooxda chelsea Andreas Christensen ayaa lagu soo waramayaa in uu ku xidhanyahay in uu Daafaca Thiago Silva Sii joogi doono kooxda iyo in kale.

Maamulka chelsea ayaa lagu soo waramayaa in ay doonayaan in ay sii haystaan xiddiga Thiago Silva ugu yaraan xilli ciyaareedka dambe kadib markii uu xiddiga reer Brazil muhiim ka noqday kooxda.

Dhanka kale Andreas Christensen ayay ku adkaatay in uu boos ka helo kooxda isaga oo ku dhibaatoonaya in uu booska kala boxo daafaca Thiago Silva.

Wargayska Football.London ayaa sheegaya in uu Andreas Christensen isaga tagi doono kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan hadii uu Thiago Silva sii joogo kooxda.

Heshiiska xiddiga 24 jirka ah ayaa dhici doona xagaaga 2023 waxana uu ilaa haatan diidan yahay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda chelsea.


Source: laacibfm.com

SHARE