Qorshaha Liverpool Ee Suuqa Xagaaga Oo Haatanba La Sii Ogaaday.


Kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in ay si xoogan u xoojin doonto kooxda marka la gaadho suuqa xagaaga iyada oo uu xiddiga Dayot Upamecano ugu horeeyo saxiixyada uu Jurgen Klopp doonayo.

Kooxda Klopp ayaa ka hadhay tartanka horyaalka premier League iyaga oo haatan 10 dhibcood ka dambeeya kooxda hogaaminaysa horyaalka ee Man City.

Liverpool ayay si waali ah dhaawacyo ula dageen iyaga oo dhaawac muddo dheer ah ku waayay dhamaan daafacyada kooxdiisa.

Klopp ayaa Upamecano doonayay suuqii January laakiin lacagta ay RB Leizig doonaysay ayaa ahayd mid aad u badan.

Sidaas darteed kooxda Liverpool ayaa qorshaynaysa in ay lacag aad u badan galiso suuqa xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan si ay kooxdu ugu tartanto koobab xilli ciyaareedka dambe.


Source: laacibfm.com

SHARE