Qorshaha Real Madrid Ee Badalka Sergio Ramos Oo La Ogaaday.


Kooxda Real Madrid ayaa isku diyaarinaysa la’aanta Kabtankeeda Sergio Ramos kaas oo ku jira bilihii ugu dambeeyay ee mustaqbalkiisa kooxda Real Madrid.

Daafaca Sergio Ramos ayaa dhaawac uga maqan kooxda Real Madrid waxana la filayaa in uu isaga tago kooxda dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Wargaska MARCA ayaa sheegaya in ay kooxda Real Madrid u baahantahay xiddig daafaca dhexe ah oo ay ku xoojiyaan booska uu Sergio Ramos.

Isla wargayska ayaa sheegaya in ay Real Madrid doonayso in ay u dhaqaaqaysa saxiixa xixiddiga David Alaba halka ay kooxda 1-aad u soo dalici doonto xiddiga da’yarka ah ee Victor Chust.

Xiddigaha Raphael Varane, Eder Militao & Nacho ayaa ilaa haatan ku dhibaatoonaya in ay qaab ciyaareed fiican soo bandhigaan la’aanta Sergio Ramos.

Laakiin Los Blancos ayaa xagaaga doonaysa xiddigaha Victor Chust & David Alaba si ay ugu xoojiyaan daafaca xilli ciyaareedka dambe.


Source: laacibfm.com

SHARE