Real Madrid Oo Go’aansatay In Ay Iska Iibiso Raphael Varane Laakiin Hal Shardi Ku Xidhay.

Real Madrid Oo Go’aansatay In Ay Iska Iibiso Raphael Varane Laakiin Hal Shardi Ku Xidhay.


Kooxda Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in ay go’aan ka gaadhayso mustaqbalka xiddiga daafaca uga ciyaara ee Raphael Varane kaas oo uu shaki weyn ku jiro mustaqbalkiisa.

Heshiiska Raphael Varane ee Real madrid ayaa dhici doona xagagaa 2022 ilaa haatana heshiis cusub uma saxiixin kooxda.

Wargayska MARCA ayaa sheegaysa in ay Real Madrid isku dayi doonto in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga reer France dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Laakiin hadii uu xiddigu diido in uu qalinka ku duugo heshiis cusub mustaqbalkiisana u hibeeyo kooxda waxa ay diyaar u tahay in ay iska iibiso xiddiga xagaaga dhamaadka xilli ciyaareedkan.

Zidane ayaa xiddiga reer France u arka mid ka mid ah qorshihiisa laakiin waxa ay kooxdu ka cabsi qabtaa in uu diido heshiis cusub waliba qaab xor ah uga tago kooxda sida uu Ramos haatan damacsanyahay.


Source: laacibfm.com

SHARE