Shaxda Ugu Fiican Todobaadka 23-aad Ee Premier League Oo La Soo Saaray.


Kooxda Man City ayaa garaacday Liverpool 5 dhibcoodna ku qabatay horyaalka premier League iyaga oo ka sii fogaanaya kooxaha kula tartamaya horyaalka.

Dhanka kale Everton ayaa ba-rbaro niyad jab leh a gashay kooxda Man United inkasta oo ay laba gool ku hor martay qaybtii hore ee ciyaarta.

Kooxda Arsenal ayaa dhankeeda guuldaro kala kulantay kooxda Aston Villa iyaga oo kulankii 2-aad oo xidhiidh ah laga badiyay.

Kooxda Chelsea ayaa dhankeeda guushii 3-aad oo xidhiidh ah la gaadhay tababare Thomas Tuchel iyaga oo garaacay kooxda Sheffield xilli ay Tottenham ku soo laabatay wadada guulaha kadib markii ay garaaceen kooxda West Brom

Kadib markii la ciyaaray todobaadka waxa la soo saaray shaxda ugu fiican todobaadkii 23-aad ee horyaalka premier League.

Kooxda Man City ayaa shaxda ku leh xiddigaha ugu badna iyaga oo ku leh 3 xiddig halka ay kooxda Aston Villa 2 xiddig ku leedahay shaxda.

Kooxaha Man United, Everton, West Ham, Tottenham iyo Newcastle ayaa min hal xiddig ku leh shaxda ugu fiican todobaadka premier League.


Source: laacibfm.com

SHARE