Thiago Silva Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Chelsea.


Xiddiga daafaca uga ciyaara kooxda chelsea ee Thiago Silva ayaa lagu soo waramayaa in uu doonayo in uu xilli ciyaareed kale sii joogo chelsea sida ay sheegayaan wararku.

Xiddiga 36 jirka ah ayaa si xor ah ugu soo biiray Chelsea xagaagii waxana uu ka mid noqday xiddigaha ugu fiican kooxda.

Xiddiga reer Brazil ayaa qalinka ku duugay heshiis hal sano ah iyo hal sano oo dookh ah.

Wargayska The Telegraph ayaa sheegaya in uu Silva go’aansaday in uu sii joogo kooxda chelsea ugu yaraan hal xilli ciyaareed oo kale.

Daafaca Thiago Silva ayaa ka mid noqday xiddigaha ugu fiican chelsea tan ila markii uu kooxda ku soo biiray.

Tababare Tuchel ayaana doonaya in uu sii joogo kooxda qalinkana ku duugo heshiis cusub oo uu kooxda ku sii joogi doono.


Source: laacibfm.com

SHARE