WARBIXIN: Firmino, Aubameyang & Xiddigaha Qaab Ciyaareedka Ku Dhibaatoonaya Xilli Ciyaareedkan.


Wargayska MARCA ayaa soo bandhigay xiddigo qaab ciyaareed cajiib ah ku jiray laakiin si aad ah ugu dhibaatoonaya qaab ciyaareedka xilli ciyaareedkan hadii ay dhaawacyo u sabab yihiin iyo hadii kaleba.


Roberto Firmino:

Xiddiga reer Brazil ayaa fure u ahaa weerarka kooxda Liverpool sanadihii ugu dambeeyay kadib markii ay Liverpool ka yaabsatay yurub.

Laakiin xiddiga ayaa ku dhibaatoonaya qaab ciyaareeddka taas oo xitaa keentay in uu qiimihiisa suuqu hoos u dhac weyn ku yimaado.


Pierre-Emerick Aubameyang:

Weeraryahanka Arsenal ayaa ka mid noqday xiddigaha ugu halista badan premier League goolka hortiisa tan ilaa markii uu Arsenal ku soo biiray.

Laakiin xilli ciyaareedkan waxa uu ilaa haatan dhaliyay 4 gool waxana uu ku jiraa kalsooni xumo weyn oo uu ku qabo naftiisa.


Eden Hazard:

Xiddigan ayaan yimid Real Madrid iyada oo wax weyn laga filayay laakiin dhaawacyo ayaa ka hor istaagay in uu soo bandhigo taydiisa.

Xiddiga reer Belguim ayaa ah xiddiga uu sida weyn hoos ugu dhacay qiimihiisu xilli ciyaareedkan sabab la xidhiidha qaab ciyaareed xumo uu soo bandhigay.


Kepa:

Goolhayahan ayaa chelsea ugu biiray isaga oo ah Goolhayaha ugu qaalisan taariikhda suuqa laakiin waxa uu haatan booskiisa joogtada ah u waayay Mendy.

Goolhayahan ayaa ah dookha 2-aad ee goolka chelsea waxana uu ku dhibaatoonayaa in uu dib u soo ceshto booskiisa.


Dele Alli:

Xiddigan ayaa si lama filaan ah uga baxay qorshaha Tababare Jose Mourinho inkasta oo uu ka mid ahaa xiddigaha khadka dhexe ee ugu fiican premier League.

Laakiin xiddiga ayaan haatan mararka qaar xitaa kaydka u soo fadhiisan kulamada kooxdiisa Tottenham isaga oo ka baxay qorshaha Jose Mourinho.


Pjanic:

Xiddigan ayaa Barcelona yimid isaga oo rikoodh fiican leh laakiin waxa uu ku dhibaatooday in uu saamayn ku yeedho kooxda Barcelona waxana uu kaydka u galay kooxda Barcelona xilli ciyaareedkan isaga oo ka dambeeya xiddigaha da’yarka ah sida Pedri.


Mesut Ozil:

Wakhti Wakhtiyada ka mid ah Xiddiga Ozil ayaa ka mid ahaa xiddigaha ugu fiican kubada cagta waxana uu Arsenal ka dhigay wacdaro markii uu Real kaga soo biiray.

Laakiin xiddiga ayaa si weyn ugu dhibaatooday Arsenal taas oo keentay in uu suuqii January isaga tago kooxda isaga oo aan Gunners hal daqiiqo u ciyaarin.


Gareth Bale:

Xiddigan ayaa xagaagii isaga baxsaday Real Madrid waxana uu filayay in uu Tottenham ka heli doono boos laakiin xiddiga ayaa ku dhibaatooday in uu boos joogto ah ka helo kooxda.


Source: laacibfm.com

SHARE