William Saliba Oo Ku Dhigtay Mikel Arteta.


Daafaca William Saliba ayaa sheegay in uu Mikel Arteta kaliya ku qiimeeyay 2 kulan iyo ciyaart qaybteed isaga oo sheegay in uuna diyaar u ahayn in uu u ciyaaro Arsenal.

Xiddiga 19 jirka ah ayaa Arsenal kaga soo biiray xiddiga Saint-Etienne xagaagii 2019 isgaa oo ugu soo biiray lacag dhan 27 milyan oo euro.

Laakiin markii uu Yimid London Saliba ayaa ku fashilmay in uu wax kulan Rasmi ah u safto kooxda ka hor intii aan kooxda amaah looga dirin kooxda suuqii January.

Saliba oo la hadlaya RMC ayaa yidhi”Waxa iska cad in ay wax badan is badaleen sanadkii hore”.

“Markii aan arkay in tababaraha laga badalay Arsenal wax badan ayaa sidoo kale aniga iska kay badalay, sanadkan waxa jirayy is badla weyn, Mikel Arteta waxa uu kaliya igu qiimeeyay 2 kulan iyo kulan qaybtii, waxa aan ecaa in uu isiiyo wakhti dheeraad ah laakiin waxa uu ii sheegay in aanan diyaar ahayn”.

“Waxa aan sugayay in uu fursad i siiyo laakiin kubada cagta ayaa sidaas ah”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE