Arsenal Oo Badalka Pierre-Emerick Aubameyang Ka Arkootay Premeier League Waa Xiddig Wacdaro Dhigaya.

Kooxda Arsenal ayaa u muuqata kuwo isku diyaarinaya La’aanta Kabtankooda Pierre-Emerick Aubameyang kaas oo qaab ciyaareed xun ku jira xilli ciyaareedkan.
Pierre-Emerick Aubameyang ayaa jira da’da 30-ad waxana uu ku dhibaatoonayaa qaab ciyaareedka xilli ciyaareedkan isaga oo dhaliyay kaliya 4 gool xilli ciyaareedkan premier League.
Wargaysa Football.London ayaa sheegaya in ay kooxda Arsenal isku diyaarinayso in ay u dhaqaaqdo badalka Pierre-Emerick Aubameyang marka uu dhamaado xilli ciyaareedkan.
Isla wargayska ayaa sheegaya in ay kooxda Arsenal badalka Pierre-Emerick Aubameyang u calaamadsatay weeraryahanka kooxda Everton ee Dominic Calvert-Lewin.
Xiddiga Dominic Calvert-Lewin ayaa wacdaro dhigaya xilli ciyaareedkan isaga oo u tartamaya gool dhalinta horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan.
Source: laacibfm.com