Barcelona Oo War Fiican Ka Heshay Kulanka PSG Ee Champions League, Maxaa Cusub?


Kooxda Barcelona ayaa war fiican ka heshay kulankooda champions League ee ay la ciyaari doonaan kooxda PSG lugta 1-aad ee wareega 16-ka champions League.

Kooxda PSG ayaa dhaawac ku waayi doonta xiddiga Angel Di Maria kulanka ay la ciyaari doonaan kooxda Barceona todobaadka dambe 16 bisha February kadib markii uu dhaawac bawdada ah soo gaadhay xiddiga.

Tababaraha kooxda PSG ee Mauricio Pochettino ayaa xaqiijiyay in uuna xiddiga reer Argentine ciyaari doonin kulanka ay la ciyaari doonaan kooxda Barcelona tartanka champions League.

“Di Maria ma ciyaari doono kulanka Barcelona, waxa aan qiimayn doonaa xaaladiisa muddo todobaad ah kadib waxa aan eegi doonaa waxa dhaca”ayuu Mauricio Pochettino yidhi.

Warkan ayaa ah mid u xun kooxda Barcelona marka loo eego in uu Di Maria muhiim u yahay kooxda PSG waliba rikoodh fiican ku leeyahay kooxda Barcelona.


Source: laacibfm.com

SHARE