Edinson Cavani Oo Ganaax Kulamo Ah Dusha Laga Saaray, Muxuu Galabsaday?

Edinson Cavani Oo Ganaax Kulamo Ah Dusha Laga Saaray, Muxuu Galabsaday?


Xiddiga weerarka uga ciyaara kooxda Man United ee Edinson Cavani ayaa dusha laga saaray laba ganaax oo xulka qarankiisa ah isaga oo seegi doona kulamada Argentine iyo Bolibia kadib markii uu khalad xun ku galay xiddiga xulka Brazil ee Richarlison bishii November.

Xiddiga 33 jirka ah ayaa kaadhka cas ee tooska ah  loo taagay kulankii is reeb-reebka xulka qarankiisa ee Brazil kadib markii uu khaald ku galay xiddiga Richarlison.

Sidaas darteed xiddiga Edinson Cavani ayaa seegi doona labada kulan ee Argentine iyo Borliva ee 24 iyo 29 bisha March ee soo socota.

Warkan war fiican u ah kooxda Man United maadama uu xiddiga iska nasan doono labada todobaad ee fasaxa xulalka ee bisha March.


Source: laacibfm.com

SHARE