Harry Maguire Oo Qiimeeyay Fursadaha Kooxdiisa Ee Ku Guulaysiga Koob Xilli Ciyaareedkan.


Kabtanka kooxda Man United ee Harry Maguire ayaa sheegay in ay xiddigaha Man United filayaan ku guulaysiga koob xilli ciyaareedkan.

Reds Devils ayaa gaadhay wareega Quarter-Final-ka tartanka FA Cup-ka kadib markii ay garaaceen kooxda West Ham Salaasadii.

Maguire ayaa xiddigaha kooxdiisa ugu baaqay in ay gaadhaan ilaa final-ka tartanka FA Cup-ka xilli ciyaareedkan kadib markii ay gaadheen Semi-final-ka tartanka sanadkii hore.

“Xilli ciyaareedkii hore waan ka niyad jabnay in aan FA Cup-ka kaga hadhno Semi-final-ka laakiin waan in aan ku guulaysan koobabka”.

“Waxa aan filaynaa in aan ku guulaysano koobab xilli ciyaareedkan waana arin muhiim ah in aan bilowno ku guulaysiga koobaka”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE