Jurgen Klopp Oo Si Weyn Ugu Xanaaqsan Maamulka Liverpool & Kalidou Koulibaly Oo Sabab U Ah.


Tababaraha kooxda Liverpool ayaa lagu soo waramayaa in uu si aad ah uga xanaasanyahay qorshaha masuuliyiinta Liverpool ee suuqa Inkasta oo uu aaminsanyahay in ay shaqo fiican qaban kareen.

Tababaraha reer Germany ayaa doonayay in loo keeno xoojin daafaca ah ka hor 1-dii bishan February oo ahayd maaintii ugu dambaysay suuqa January oo ay Reds la soo wareegtay xiddigaha Ben Davies iyo Ozan Kabak.

Si kasta ha ahaatee Klopp ayaa si weyn uga xanaaqay in ay Liverpool ku fashilantay saxiixa daafaca Kalidou Koulibaly oo ahaa bartilmaameedkii 1-aad.

Kalidou Koulibaly oo 29 jirka ah ayaa lala xidhiidhinayay in uu isaga tagayo kooxda Napoli waxana uu Klopp doonayay in isaga loo keeno suuqii January.

Kooxda Napoli ayaa dalbatay lacag dhan 100 milyan oo euro taas oo keentay in ay Liverpool diido bixinta lacagta intaas leed.


Source: laacibfm.com

SHARE