Man United Oo Bar-Baraysay Rikoodhka Guulaah Ee Kooxda Kadib Guushii West Ham.

Man United Oo Bar-Baraysay Rikoodhka Guulaah Ee Kooxda Kadib Guushii West Ham.


Kooxda Man United ayaa badisay 9-kii kulan ee FA Cuo-ka ee ay ciyaartay tartanka iyaga oo sidaas ku bar-bareeyay rikoodhkeeda guulaha ee tartanka kadib markii ay garaaceen kooxda West Ham xalay Salaasadii.

Xiddiga Scott McTominay ayaa Man United u dhaliyay goolka guusha kadib markii ay labada kooxood isku dhaafi waayeen 90 daqiiqo laguna daray wakhti dheeri ah.

Man United ayaa haatan bar-baraysay rikoodhkii guulah ee ay dhigtay intii u dhexaysay 1908 iyo 1912 markaas oo ay 6 kulan oo xidhiidh ah badiyeen Tartanka FA Cup-ka.

Kooxda Ole Gunnar Solskjaer ayaa tartanka FA Cup-ka ku ciyaartay garoonka Old Trafford iyaga oo guulaha ka soo bilaabay Watford wareegii 3-aad.


Source: laacibfm.com

SHARE