Man United Oo Loo Sheegay Xiddig U Qalma In Ay Heshiis Cusub Ka Saxiixato, Mana Ahan Bruno Fernandes.


Halyeeyga kooxda Man United ee Mark Hughes ayaa kooxdiisii hore ku booriyay in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga weerarka uga ciyaara ee Edinson Cavani.

Xiddiga 33 jirka ah ayaa dhaliyay 7 gool xilli ciyaareedkan tan ilaa markii uu heshiiska halka sano ah ugu soo biiray xagaagii.

Man United ayaa dookh u haysata in ay heshiis hal sano ah ka saxiixato xiddiga Mark Hughes ayaana aaminsan in ay tahay in ay Man United ka saxiixato heshiis cusub xidiga.

“Waa xiddig sameeya Farqi marka uu soo galo ama ciyaarayo aniga ahaan”ayuu Mark Hughes u sheegay Talksport.

“ka hor intii uuna ku soo biirin dhamaan xiddigaha Rashford, Martial iyo Greenwood dhamantood waxa ay isku dayeen in ay ka ciyaaraan weerarka tooska ah laakiin waxa ay u muuqatay in ayna ku fiicnayn booskaas”.

“Laakiin markii uu yimid waxa uu kooxda ku yeeshay saamayn, hadii ay go’aankayga ahaan lahayd waxa aan ka saxiixan lahaa heshiis cusub sababta oo ah waa xiddig cajiib ah”.


Source: laacibfm.com

SHARE