Phil Foden Oo Kashifay Kooxdii Uu Aabihiis Ku Qasbay In Uu Ku Biiro Ka Hor Man City.


Xiddiga kooxda Mna City ee Phil Foden ayaa qirtay in uu Aabihiis yahay taageere Man United ah.

Xiddiga 20 jirka ah ayaa ka soo baxay Akademiyada kooxda Man City waxana uu haatan ku jiraa qaab ciyaareed cajiib ah.

Laakiin Foden ayaa ku biiri lahaa Man United hadii uu maqli lahaa taladii uu u soo jeediyay Aabihiis markii uu da’yarka ahaa.

Isaga oo la hadlaya Four Four Two ayaa yidhi”Sida iska cad la tababarashadii Man City ayaa iga dhigay taageere kooxda ah”.

“Waxa aan Aabahay u sheegay in aan doonayo in aan noqdo taageero Man City ah, laakiin waxa uu ii sheegay in aan niyad jab ka wajihi doono”.

“Marka la ciyaarayo kulanka Derby-ga, aniga iyo Hooyaday waxa aan taageeri jirnay Man City halka uu Aabahay taageeri jiray Man United waxana aan ku murmu jirnay cida badinaysa”.

“Xitaa Aabahay waxa uu isku dayay in uu igu qasbo in aan ku biiro kooxda Man United”ayuu sii raaciyay.


Source: laacibfm.com

SHARE