Real Madrid Oo Iska Diiday Saxiixa Xiddig Wacadaro Ka Dhigaya Barcelona.


Shaki la’aan waa da’yarka ugu fiicna xilli ciyaareedka kaliya ma ahan Barcelona Laakiin guud ahaan horyaalka La Liga waxana haatan soo baxday in ay Real Madrid iska diiday saxiixa xiddiga Pedri ka hor intii uuna ku biirin Camp Nou.

Xiddiga 18 jrika ah ayaa Barcelona ugu soo biiray lacag dhan 5 milyan oo euro xagaagii waxana uu haatan ka mid yahay xiddigaha da’yarka ah ee ugu fiican kubada Spain isaga oo si joogto ah ugu ciyaara Barcelona xilli ciyaareedkan.

Wargayska El Pais ayaa sheegaya in ayna Barcelona ahayn kooxda kaliya ee ka meer-meeraysay saxiixa xiddiga laakiin Real Madrid ayaa iska diiday saxiixa xiddiga.

Pedri ayaa haatan qaab ciyaareed cajiib ah ku soo bandhigaya kooxda Barcelona iyada oo ay Real Madrid ka shalaynayso in ay iska diido saxiixa xiddiga.


Source: laacibfm.com

SHARE